Dawladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MOU) oo ku saabsan maxaabiista Soomaalida ee ku xidhan dalkaasi kadib booqashadii Madaxweyne Xasan ee Magaalada Dar es Salaam.
Maxaabiistan ayaa sida uu sheegay Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, waxaa la marsiin doonaa sharciga caalamiga ah ee maxaabiis wareejinta.
Wasiirka oo BBC la hadlay ayaa sheegay in maxaabiistani ay u xiran yihiin falal kala duwan oo Tahriib iyo budhcad badeednimo ah. ”Waxaa jira dad Soomaaliyeed, qaar tahriib ku socday iyo kuwa budhcad badeednimo loo haysto oo qaarkood mudo halkan ku xirnaa ama xukunno sharci ah maray” ayuu yiri wasiir aweys.
Labada dal ayaa kala saxiiday dhowr heshiis isfagarad oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, beeraha iyo caafimaadka.
Isafgaradyadan ayaa heshiikooda rasmiga ah la filayaa in lagu kala saxiixdo Muqdisho sida uu sheegay Wasiir Daa’uud Aweys.
Heshiisyada ayaa laga ballaariyaya sidii la filayey ka hor booqashada madaxweynaha, ”markii kulanku dhacay waa ay kasii ballaarteen sidii qorsheynayey, waxaa la isla gartay in qorshaha xiriirka labada dal iyo iskaashigu ay noqdaan kuwo ballaaran,” ayuu yiri wasiir Aweys oo BBC u warramay.
Waxaa la filayaa in la sameeyo munaasabad isafgaradyadan heshiisyo rasmi ah loogu badalo laguna saxiixo inkastoo uusan wasiirku noo sheegin xilli la qorsheeyay.
Tanzania ayaa dhankeeda ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan oo ay ku jiraan difaaca iyo amniga, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata dalkan xubinta cusub ka noqday urur goboleedka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweyne Samia Suluxu Xasan ayaa ballan-qaadkan sameysay horraantii Sabtidii kaddib markii ay la kulantay dhiggeeda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay kula kulantay Aqalka Madaxtooyada ee Daarusalaam.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah Tanzania ku tagay Jimcihii.
Samia Suluxu Xasan oo oo warfidiyeenka la hadashay ayaa sheegtay in dowladeedu ay diyaar u tahay in ay Soomaalida siiso tababaro la xiriira difaaca iyo dhinacyada kale ee ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada.
Marka laga soo tago dhanka ammaanka, Dr. Samia waxay sheegtay in labada dal ay bilaabeen socdaal ay ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

