Erdogan: "Waxaan jarnay xiriirkii naga dhaxeeyey Israa’iil, dhammaantiisba waa jarnay

 Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo khudbad ka jeediyay shirka 5-aad ee golaha baarlamaanka ee Qudus, si gaarana uga hadlayey xiriirka dalkiisa iyo Israa’iil ayaa yiri “Waxaan jarnay xiriirkii aan la lahayn Israa’iil, gaar ahaan dhanka ganacsiga, waanan jaraynaa”.

Erdogan waxa uu ku dooday in dunida Carabta oo ka kooban laba bilyan oo qof “ay si guul leh ugu gudbi karin tijaabada Qasa”.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, "Waqti dheer ka hor xasuuqii Qasa, waxaanu horeba u joojinay shixnadaha alaabta loo isticmaali karo ujeedooyinka militariga, waxaanu ku xoojinay hab-dhaqankan go'aanka xayiraadda dhoofinta ee aanu qaadanay 9-kii Abriil."

Madaxweyne Erdogan ayaa markale Xamaas ugu yeeray "Xoogagga Qaranka Falastiin".

Muxuu yahay dalabka Xamaas ay ka heshay Israa’iil ee la ogaaday?

Xamaas ayaa sheegtay in ay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israa'iil Sabtidii lasoo dhaafay soo jeedinteedii ugu dambeysay ee xabbad joojinta ayna daraasad ku sameyn doonto ka hor inta aysan jawaabteeda gudbin, ku xigeenka madaxa kooxda ayaa sidaas ku sheegay hadal uu soo saaray.

“Xamas waxay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israa’iil, ee soo jeedinta ay soo bandhigeen Masar iyo dhexdhexaadiyayaasha Qatar 13-kii April,” Khaliil Al-Hayya, oo hadda fadhigiisu yahay Qatar, ayaa sidaas ku sheegay bayaan ay kooxdu daabacday.

Ka dib in ka badan lix bilood oo ay Israa'iil dagaal kula jirtay ururka Xamaas ee Qasa, wada-xaajoodyadu wali waa kuwo aan is-af-garad lahayn, iyadoo Xamaas ay ku adkaysanayso dalabaadkeeda oo ah in heshiis kasta oo la gaarayo ii noqdo mid gabi ahaanba joojiya dagaalka.

Wafdi ka socda Masar ayaa booqday Israa'iil si ay ugala hadlaan mas'uuliyiinta Israa'iil Jimcihii, iyagoo raadinaya qaab ay dib ugu billaabaan wadahadallada si loo dhammeeyo khilaafka iyo soo celinta la haystayaashii ku haray gacanta Hamaas, kuwaas oo Xamaas qabsadeen markii ay gudaha u galeen magaalooyinka Israa'iil 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay sarkaal ka hadlay kulammadaas.








Previous Post Next Post