Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ugu dambayn kusoo noqotay jidka guusha ee ay sida bahdilaadda ah kaga maqnaayeen kulamadii u dambeeyey, waxaana guul ay ku rafaadeen oo 3-2 ah ay ka gaadheen Newcastle United oo marti ugu ahayd Old Trafford.
Amad Dillo iyo Rasmus Hojlund ayaa qaybtii labaad laba gool u dhaliyey Manchester United oo bilowgii ciyaarta uu gool ugu furay Kobbie Mainoo, hase yeeshee Newcastle United ay laba jeer iyaduna shabaqa soo taabatay Man United oo shabaqeedu uu noqday mid ay koox walba saaxiib la tahay.
Daqiiqaddii 31aad ayaa Manchester United ay u dabbaal-degtay goolka koowaad oo uu u dhaliyey dheemankeeda da’da yar ee Kobbie Mainoo, hase yeeshee markii laga soo noqday waqtiga nasashada ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Newcastle United keentay gool uu Anthony Gordon ciyaarta kaga dhigay 1-1.
Amad Diallo oo kusoo bilowday garabka midig ee weerarka oo uu ka beddelay Antony oo kaydka ku dhamaystay ayaa hoggaanka usoo celiyey kooxdiisa Manchester United isaga oo saxeexay goolkiisii koowaad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan.
Kubbad uu lasoo galay xerada ganaaxa ayaa markii uu laynka lugta soo geliyey uu toogtay Amad Diallo darbad ku toogtay, waxaanu la haleelay shabaqa.
Rasmus Hojlund oo kulamadii u dambeeyey ku jiray abaar goolal la’aan ah ayaa kursiga kaydka uga soo kacay si uu hoggaanka ugu sii dheereeyo kooxdiisa, waxaanu ciyaarta ka dhigay 3-1.
Manchester United oo uu dib ugu soo laabtay Bruno Fernandes oo dhaawac kaga maqnaa kulamadii u dambeeyey ee ay kooxdiisu dhibaatoonaysay, ayaa khadka dhexe ka farsamaynayey kubbado halis ahaa.
