Dr Muuse Waihenya Jazan waxa uu ka howlgalaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Mudug oo uu kaga sii suganyahay degmada Galdogob, halkaas oo uu ka howlgalo isbitaal gaar loo leeyahay iyo hal abuur isagu uu la tegay degmada.
Waxa uu ku dhashay ismaamulka Busia ee gobolka xuduudda la leh dalka Uganda ee Kenya, waxa uu waxbarashiida ku qaatay gudaha Uganda, isagoo ugu dambeyn tagay Soomaaliya halkaa oo uu shaqo ka helay.
Dhakhtar Muuse xilli uu ku sugnaa dalka Uganda ayaa waxa Soomaaliya soo aaday saaxiibkiis oo lagu magacaabo Simon, Simon waxa uu ka tirsanaa ciidamada difaaca Uganda ee nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, intaa kadibna Dr Muuse waxa uu Simon u dirsaday in uu shaqo ugasoo helo Soomaaliya.
“Saaxibkey ayaan ku iri shaqo ii soo raadi, waxa uu igusoo xiray qof kasoo jeeda magaalada Galdogob ee hadda aan joogo, waxaana ugu dambeyn Uganda iigu yimid ninka shaqada I siin doona oo halkaas aan heshiis kuwada saxiixannay, sidaas ayeyna ku suura gashay in aan Soomaaliya imaado,” ayuu yiri Dr Muuse oo BBC-da la hadaly.Waxa uu Soomaaliya tagay sanadkii 2017-kii bishii afaraad taas oo ka dhigan in uu joogo muddo kabadan toddobo sano.
Dr Muuse waxa uu ka shaqeeyaa qaybta baaritaannada bukaannada isaga oo sheegay in shacabku haatan ay la qabsadeen.
